Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Ankara, ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.
Xasan Sheekh ayaa inta uu jooga dalkaasi waxaa uu dhiggiisa Turkiga kala hadli doona sida hadalka loo dhigay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka iskaashiga ee dhinacyada militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagula jiro kooxda Alshabaab.
“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri warka Villa Soomaaliya.
Madaxtooyada ayaa ku tilmaantay booqashadani inay muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ka dhanka ah waxa loogu yeeor ciribtirayo argagixisada.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto kooxda Alshabaaab, si loo xaqiijiyo sida hadalka loo dhigay xasilloonida, nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Dowladda Turkiga oo uu xiriir sanaddo badan jira kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa ka taageerta dhinacyada taabanaya amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.
HBN ONLINE TV