Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay dadaallo siyaasadeed oo uu xiriir kula sameynayo madaxda hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, sida ay HBN Online TV u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo codsaday in aan magacooda la shaacin.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah wadahadalladaasi ay ku jiraan la-tashiyo lala yeeshay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo diiradda la saarayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo tallaabadii Israa’iil Jimcihii ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Ilo wareedka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku casuumay shir ay isugu yimaadaan madaxda uu la hadlay, kaasi oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho. Waxaa la sheegay in hadda laga warsugayo mas’uuliyiinta jawaabahooda, isla markaana maanta la filayo in go’aan rasmi ah laga qaato casuumaadda Madaxweynaha.
Warka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ay jiraan dooddo culus oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan kala hormarinta arrimaha qaran iyo qodobka rasmiga ah ee kulanka loogu yeeray, si ugu dambeyn loo helo mowqif mideysan oo looga jawaabo xaaladaha cusub ee ka dhashay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si mideysan u cambaareeyay talaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid wiiqaysa qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo diblomaasiyadeed oo gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu mideeyo mowqif qaran iyo in si wadajir ah looga hortago go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.
HBN Online TV

