Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara u gaaray ka qeybgalka wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara, ka dib casuumad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo Ankara gareadeen ka tahay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal Villa Somalia ay ka baahisay safarka Madaxweynaha.

Sidoo kale qoraalka ayaa la sii raaciyey “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan”.

Wadahadalad lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marka hore u dhici doona si gooni gooni ah oo madaxweyne Erdogan kula kulmayo dhiisa Xasan iyo Abiy Axmed, haddii isu soo dhawaanshaha uu hagaagane waxaa si ka fool ka fool ah la isu horgeyn doonaa madaxda Muqdisho iyo Addis Ababa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed