Madaxweyne Xasan Sheekh oo amar ka soo saaray howlaha burburinta dhulalka Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in si ku meelgaar ah loo joojiyo howlaha burburinta iyo baneynta dhulalka danta guud ee ka socday magaalada Muqdisho, sida uu sheegay mamulka gobolka Banaadir oo fulinaya amarka madaxtooyada Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib cabashooyin isa soo tarayay oo ka imaanayay shacabka ku nool goobaha ay saameeyeen howlaha burburinta iyo dib u habeynta laga waday qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in la hakiyey dhammaan howlaha fulinta, baneynta iyo jid u furista dhulalka, iyadoo hay’adaha ammaanka lagu faray inay si deg deg ah u dhaqan geliyaan amarka cusub.

“Iyadoo la raacayo amarka Madaxweynaha iyo kan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa gabi ahaanba la joojiyay howlaha baneynta iyo dib u habeynta dhulka danta guud ee maalmihii la soo dhaafay ka socday caasimadda,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu warbaahinta u akhriyey afhaayenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar.

Isla bayaanka lagu sheegtay in la magacaabay guddi ka kooban khubaro iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo talo ka soo jeedin doona qaabka loo maareyn karo dhulalka danta guud, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dadka shacabka ah.

Howlaha burburinta dhulalka oo todobaadkan si xowlihi uga dhacday meelo badan oo Muqdisho ka mid ah ayaa sababtay dhimashada dad rayid ah oo ay ku jireen caruur iyo haween.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed