Madaxweyne Xasan Sheekh oo amaanay Trump

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn u amaanay dadaallada nabadeed ee uu soo jeediyay madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo lagu xasilliyey xaaladda siyaasadeed ee Bariga Dhexe, gaar ahaan arimaha Falastiin.

Wareysi uu siiyay telefishinka Newsmax2, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu garwadeenka ka yahay Trump “mid boggaadin iyo dhiirrigelin mudan”, isagoo xusay in dadaalladaasi ay horseedeen degganaansho ka badan tii hore ee gobolka.

“Dadaalka lagu nabadeeyay Bariga Dhexe waa mid boggaadin mudan. Waa muhiim in nabadda la adkeeyo, sababtoo ah dunidu maanta waa ka xasilloon tahay sidii hore,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo sheegay in labada dal ay yeesheen iskaashi xooggan, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

“Soomaaliya waxay la dagaalameysaa ISIS iyo Al-Qaacida, waxaana naga garab siinaya Mareykanka — dhulka iyo cirka labadaba way naga taageerayaan. Khatarta ururradaas waa yaraatay, weeraradii Muqdisho hore uga dhici jirayna hadda ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya la leedahay Shiinaha iyo Mareykanka, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay in dalku uu ilaalinayo danihiisa, isagoo tilmaamay in inkastoo xiriir taariikhi ah uu kula jiro Shiinaha, haddana mashaariicda horumarineed ee hadda socda ay inta badan ka wadaan Mareykanka.

“Waa run in Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Shiinaha muddo dheer, laakiin gudaha dalkeenna ma soconayaan maalgashi ay Shiinaha garwadeen ka yihiin. Mareykanka se wuxuu wataa mashaariic muhiim ah, waxaana Muqdisho ku qabanay shir saddex maalmood socday oo looga hadlay iskaashiga labada dal,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh oo khubarada siyaasaddu siyaaba kala duwan u rogrogeen ayaa u muuqda mid muujinaya taageero diblomaasiyadeed oo uu siiyay qorshaha nabadeed ee uu Trump ka hirgeliyay Bariga Dhexe, xilli uu sidoo kale xooga saarayo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed