Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale adkeeyay inuu si dhab ah ugu go’an yahay in doorashada soo socota noqoto mid ku saleysan hal qof iyo hal cod, isaga oo xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, inkastoo ay jirto mucaaradad xooggan oo kaga imaaneysa qaar ka mid ah madaxda hore ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in xitaa haddii labo milyan oo qof oo ka mid ah 20-ka milyan ee shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah codkooda u dhiibtaan, ay noqonayso guul taariikhi ah oo la taaban karo.
“Shacabka Soomaaliyeed waa 20 milyan, haddii ay suurtagal noqoto in laba milyan ay si toos ah u soo doortaan madaxdooda, aniga waxaa ii rumoobay hadafkeyga oo ah Soomaali dimuqraadi ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in laga joogo ku dhowaad 60 sano markii ugu dambeysay shacabka Soomaaliyeed inay codkooda si toos ah ugu ridaan sanduuqa doorashada. Wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada soo socota ay noqoto mid dib u soo celisa kalsoonida shacabka.
“Waxaa laga joogaa ku dhowaad 60 sano markii ugu dambeysay ee shacabka Soomaaliyeed codkooda ku ridaan sanduuqa doorashada. Waxaan doonayaa in arrintaasi ay dhacdo doorashada soo socota,” ayuu mar kale adkeeyay Madaxweyne Xasan.
Dowladda Soomaaliya oo ku adkeysanaysa arintan doorasahada ayaa waxaa dhaleeceyno u jeediyey hogaamiyaal kamid ah kuwa mucaaradka oo ku andacoonaya in xiligaan doorasho la qaban karin, balse looga fadhiyo dowladda in xoogga ay saarto dagaalka Alshabaab oo hadda meel xasaasi ah.
HBN ONLINE TV