Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo maanta soo bandhigay cudud ciidan oo aad weyn, kana dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay doorka ciidamadu ka qaateen badbaadinta shacabka, isaga oo xusay in uu jiro isbeddel xooggan oo ka muuqda awoodda qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka aysan ku koobnayn difaac oo keliya, balse ay sidoo kale ka qeyb qaataan gargaaridda bulshada. Wuxuu tilmaamay in guulaha ay gaareen ciidamadu ay yihiin kuwo taariikhda lagu xusi doono mustaqbalka.
Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in “dowlad aysan jiri karin ciidan la’aan,” isaga oo sheegay in qof kasta oo caqabad ku noqda horumarka uu yahay cadow u baahan in laga hortago, wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo ciidanka.
“Dowlad ma jiri karto ciidan la’aan, Nin kasta oo hormarka caqabad yar u dhigaya waa cadow in la iska qabto ayuu u baahan yahay. Ciidankeenna waa ku kalsoonahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si buuxda u garab istaagaan ciidamada, maadaama dalka uu wajahayo cadowyo kala duwan, gaar ahaan kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarijta oo ay dowladdu u taqaano Alshabaab. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada shacabka iyo ciidanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la furi doono Jaamacadda Difaaca si loo horumariyo aqoonta iyo xirfadaha ciidanka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha oo billado geesinimo guddoonsiiyey saraakiil hoggaan u ah CXDS ayaa ku dhiirri geliyey doorkooda geesinimada leh ee sugidda amniga dalka, difaaca xuduudaha iyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay tayeynta, qalabaynta iyo dhiirrigelinta ciidanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda.
HBN ONLINE TV

