Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee dowladda, iyo waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye oo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinka ay qaadday Israa’iil ee la xiriira Somaliland.
Madaxweynaha ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in maamulladii kala dambeeyay ee Somaliland aysan ku dhiirran wada-hadal dhab ah oo lagu xallinayo arrimaha midnimada, isagoo xusay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Sool sanadkii 2023 ay muujiyeen sida uu nidaamka ka jira Waqooyigu uga leexday sida uu hadalka uu u dhigay waddada nabadda. Waxa uu sheegay in dowladda federaalku marar badan ku dadaashay joojinta dagaalka Laascaanood iyo in wada-hadal nabadeed la aado, balse aan la dhagaysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay MoU-gii uu ku tilmaamay mid si lama filaan ah loo saxiixay xilli ay jireen wada-hadallo yididiilo leh, isaga oo sheegay in arrintaas ay caddeyn u tahay sida maamulka Hargeysa ugu nugul yahay wax uu ugu yeeray “damaca shisheeye”. Wuxuu si adag u cambaareeyay isku dayga Israa’iil ee la xiriira aqoonsi, isagoo ku sifeeyay “dal go’doon ah” oo caan ku ah xadgudubyo ka dhan ah shacabka Falastiin, kana digay khataraha amni ee arrintaasi ku keeni karto Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Wuxuu aqoonsiga ku sheegay in lagu doonayo dano fowdo, barakicin, dabka bariga dhexe oo lasii huriyo.
“U jeedada aqoonsi ku sheegaasi ma aha danta dadkeena ku nool deegaanadaas ee waa danta Israa’iil oo raadinaysa dhul ay isku ballaariso oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shcabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo Militeri oo khalkhal galiya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda-cas iyo guud ahaan Bariga Dhexe” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu adkeystay in Soomaaliya ay tahay dal mid ah oo aan dhulkiisa lagu kala goyn karin warqad ama saxiix shisheeye. Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaannada la geyn doono Israa’iil ay noqon doonaan saldhigyo looga duullo dalal kale oo lagu hurinayo colaaddo saameyn ku yeesha shacabka, iyaga oo aan qeyb ka hayn waxa socda.
Sidoo kale, madaxda Somaliland oo uu fariin gaar ah u diray ayuu ku sheegay in aqoonsi walba ay ka horeyso in dalkii ay ka tirsanaayeen ay ka go’do waxkasta oo Ictiraaf ah, isaga oo tusaale u soo qaatay dalal badan oo sifo sharci ku kala baxay & kuwa buuxi la’ ilaa hadda habkii madaxbanaani lagu kala qaadan lahaa.
“Dadka Soomaaliyeed ee waqooyigow: Ictiraafku idinkama jiro Natenyahu ee wuxuu idinka jiraa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dadnimo, Diin, iyo Dowladnimaba aad wadaagtaan. Walaalaha, Hargeysa ka taliya waxaan leeyahay ‘ugu yaraan bal dib u milicsada wadada la maro, haddiiba dal kala go’ayo’. South Sudan waxay gooni u istaagtay markii ay qancisay Suudaan inteeda kale. Erirea sidoo kale, markii ay isla garteen Itoobiya inay kala baxaan ayey gooni u istaagtay. East Timor sidoo kale, markii ay Indonesia isla garteen inay kala baxaan ayey kala bexeen. Dhamaan kala baxaasi wuxuu ku yimiday heshiis siyaasadeed oo qaarkood lagu gaari waayey dagaallo tobanaan sano socday, laakiin lagu gaaray heshiis siyasadeed” ayuu sii raaciyey mdaxweyne Xasan Sheekh.
Fariintiisa oo u muuqatay mid mudnaan siinaysa dalka laga go’ayo ayuu yiri “Waxaa cad haddii dalkii asalka ahaa uusan ku qancin in la kala boxo oo heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay lagu kala boxo in Ictiraaf la helaa aanay suurtagal ahayn, sida Taiwan-ba Shiinaha ugu qancin wayday in kala boxo. gobolka Catilonia uu Spain ugu qancin waayey in la kala boxo. Sidaas daraadeed, hadaanan heshiis siyaasadeed la helin oo lagu kala gurtoo lagu kala boxo, kala go’ & ictiraaf midna suurtagal ma aha”
Madaxda Somaliland ayuu ugu baaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah, si wax kasta loogu dhameeyo isu gardhigasho & isu tanaasul. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka gaarabayso dhibkii kasoo gaaray shacabka gobolada Waqooyi wax uu ku qeexay “dulmi uu gaystay” nidaamka Militeriga.
HBN ONLINE TV

