Isag oo ka haldayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayuu shaaciyey in dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay door muuqda ka qaadan doonto nabadaynta iyo dhismaha wada-noolaanshaha bulshada gobolkaasi – ayna dhinacyada ka joogaan Puntland iyo Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka cusub ee Waqooyi Bari inay mudnaan gaar ah siiyaan sugidda amniga iyo xoojinta dib u heshiisiinta, gaar ahaan xiriirka ay la leeyihiin maamullada dariska la ah. Wuxuu xusay in DFS ay diyaar u tahay in ay kaalin buuxda ka qaadato fududeynta wada-shaqeynta iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka gobolka iyo kuwa dariska la ah.
“Dowladda Federallka Soomaaliya waxay geed dheer iyo mid gaaban u kori doontaa waxkasta oo fududeynta wadashaqeynta iyo nabad kuwada noolaanshaha deegaannadaas ah iyo kuwa dariska la ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay maxaabiista ay kala haystaan Somaliland iyo Waqooyi Bari, wuxuu tilmaamay in uusan dhaqankaasi ahayn mid wanaagsan. Dhinacyada ayuu ugu baaqay in maxaabiista si sharaf leh loola dhaqmo, isla markaana lagu kala celiyo deegaanadii ay kasoo kala jeedeen, iyadoo arrintaasi laga dhigayo fure nabadeed.
Dhanka kale, wuxuu soo ka hadlay khilaafyada kale ee dalka saameynta ku yeeshay. Wuxuu diiday in dhinacyo shisheeye gacan ku yeesheen dib heshiisiinta dalka, isagoo ku eedeeyey faragalin.
“Khilaafkeena inagaa xallisanayna, mana aha in lagu wajaho xoog iyo xabad, ee waa in lagu dhameeyo wada-hadal iyo wada-xaajood,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in khilaafyadii hore ee Soomaaliya ay sababeen burbur ballaaran iyo faragelin shisheeye oo aan wali dhammaan.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dowladda ay gogol u fidinayso siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee ka ra’yiga duwan, si codka dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo dhageysto, balse wuxuu meesha ka saaray rabitaanka cid gaar ah.
Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay meel cad kasoo istaageen nidaamka dimuqraadiyadda, gaar ahaan codbixiyeyaasha badan ee gobolka Banaadir iska diiwaangeliyey, taas oo uu ku tilmaamay jawaab cad oo ka dhan ah riyooyinka doorasho dadban.
“Haddii ay jiraan kuwa qaba ama ku riyoonaya doorashadii dadbanayd waxaan filayaa inay jawaabta ka helayaan Malyanka codbixiyeyaasha ah ee iska diwaangaliyey gobolka Banaadir. Waxaan kalsooni ku qabaa in dadkeenu soo gaaray meel aan laga celin karin doorasho qof iyo cod ah” ayuu sii raaciyey.
Khubaddiisa maanta ee furintaanka Kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ayuu ku muujinayay madaxweyne Xasn rajo ballaaran oo ku aaddan in Soomaaliya ay ka gudubto khilaafaadkii hore, isla markaana ay si buuxda uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah si loogu beddelo fursado wax ku ool ah oo nolosha shacabka wax ka beddela.
HBN ONLINE TV