Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo hadallo kulkul hawada isu mariyey

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynihii hore ee dalka ayaa hadallo kulkul oo ku saabsan arrimaha dowladnimada hawada isu mariyey, iyada oo nin walba kan kale ku ku dhaliilay sida uu hadalka u dhigay aqoontiisa siyaasadeed ee talo wadaaga gudaha iyo dibadda.

Marka hore, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku adkeysaneyso qabashada doorashooyin, isagoo xusay in aan dalka lagu sii hayn karin xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta. Wuxuu sidoo kale muujiyay in la oggol yahay in miiska wadahadalka lagu gorfeeyo hannaanka doorashooyinka. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay ka qeyb qaataan sidii dalka looga saari lahaa xaaladaha daba dheeraaday ee caqabadaha ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ku eedeeyay sida uu hadalka u dhigay inuusan xilligii uu talada hayay ka qeybgelin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka, isla markaana uusan fursad siin wadatashi ballaaran, xili uu la hadlayey hoggaanka dhaqanka Soomaaliya.

“”Hal mid baan rabaa inaan sheego saaxiibkey Maxamed Cabdullahai Farmaajo hal maalin inta inoo yeeray inteenii baaga-muudada ahayd banaanka taagnayd maxay idinla tahay inama dhihi. “Aniga iyo madaxweyne Shariif uu hal mar ina marti qaaday” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku dhaliilay aqoontiisa siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda, isla markaana ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay mid aan sumcad lahayn. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu xiriir la yeesho dalal is haya, taas oo uu sheegay inay waxyeello u geysaneyso sumcadda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sidoo kale isku tilmaamay shaqsi waddani ah, isagoo xusay inuu dhisay ciidanka xoogga dalka intii uu xilka hayay. Wuxuu ku dooday in uu ka tagay ciidan dhisan oo ka awood badan kii uu markii hore ka dhaxlay Madaxweyne Xasan Sheekh, halka uu sida uu sheegay Farmaajo horey loogu wareejiyay ciidan daciif ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed