Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si xooggan u cambaareeyey Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland sidii dal madax-bannaan.
Madaxweynuhu waxa uu khudbad ka jeediyey kulan baarlamaan oo gaar ah oo maanta laga qabtay arrintan, isaga oo sheegay in Netanyahu uu galay “xadgudubkii ugu weynaa ee taariikhda madax-bannaanida Soomaaliya.”
Waxa uu tallaabadan ku tilmaamay “weerar cad” oo ka dhan ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in “Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya.” Madaxweynaha ayaa ku digay in go’aanka Israel uu khatar ku yahay ammaanka gobolka iyo xasilloonida caalamka, isaga oo ku dooday in tallaabadan ay dhiirrigelin karto kooxaha xagjirka ah iyo dhaqdhaqaaqyada gooni u goosadka ah meelaha kale.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu adkeeyey in midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ay ugu dambeyn fashilin doonaan waxa uu ugu yeeray “weerarka” Netanyahu.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay warar sheegaya in aqoonsiga Israel lala xiriirinayo qorshayaal lagu wareejinayo Falastiiniyiinta Gaza dhulal kale. Waxa uu mar kale caddeeyey in Soomaaliya marnaba aqbali doonin barakicinta Falastiiniyiinta, isagoo yiri: “Waxaan diidnay waagii hore, haddaana diidnay,” isagoo intaa ku daray in qorshahan uu dhaawacayo xalka laba-dal ee Falastiin iyo Israel.
Waxa uu sidoo kale adkeeyey in Soomaaliya aysan ogolaan doonin in dhulkeeda loo isticmaalo sidii saldhigyo milatari shisheeye ama lagu soo geliyo colaadaha Bariga Dhexe ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay degganaadaan oo midnimo muujiyaan, isagoo xusay in wadahadalka Somaliland uu weli muhiim u yahay gaarista midnimada qaran. Waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay raaci doonto dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed iyo sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah difaaca madax-bannaanideeda.
Hadalladiisu waxa ay yimaadeen hal maalin ka dib markii 21 dal iyo Ururka Iskaashiga Islaamku ay soo saareen bayaan wadajir ah oo diidmo u muujinaya aqoonsiga Israel ee Somaliland.
Bayaankaas ayaa muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo diidmada tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada qaranka.
HBN ONLINE TV

