Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkaan uma sii af duubnaan karo qof kaligiis tooxde ah iyo qolo yar”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si caro leh u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey munaasabadda xuska 15-ka May ee halgankii gobanimodoonka ururkii SYL oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marka hore ka hadlay doorkii taariikhiga ahaa ee 13-kii dhallinyarada SYL ay ku lahaayeen xornimada Soomaaliya, isagoo sheegay in maalinta 15-ka May ay tahay maalin xusuus qaran ah oo muujineysa halgankii dhabta ahaa ee dalka loogu soo halgamay.

Waxaa uu ceeb iyo nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo maanta haysta fursado, aqoon iyo ilbaxnimo dheeraad ah ay weli ka hooseeyaan hammigii iyo himiladii dhallinyaradii SYL oo 82 sano ka hor ahaa, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku booriyey meel kasta oo ay joogaan inay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin mabaadi’dii aasaaska u ahaa ururkii SYL.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaliilay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo ku eedeeyey in ay yihiin kuwo diidan nidaam siyaasadeed oo ku dhisan xisbiyo – taasi bedelkeeda ay doonayaan inay wax walba hal shaqsi isku noqdo.

“Siyaasiyiinta maanta in badan oo ka mid ah waxay diidan yihiin in siyaasadda la nidaamiyo oo xisbiyo noqoto – iyagaa xisbigii ah oo wax walba ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo intaa ku daray in aysan suurtagal ahayn in dalku sii ahaado mid uu haysto qof kali ah ama koox yar oo aan la garanayn ujeeddooyinka dhabta ah ee ay ka leeyihiin mustaqbalka dalka.

“Dalkaan uma sii af duubnaan karo qof kaligiis tooxde ah iyo qolo yar oo meel ku showrtay oo aan la garaneyn ajandaha ay dalkan ka leeyihiin,” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xuska sanadkan ee 15-ka May ayaa sidoo kale ku beegan maalintii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022, taas oo ka dhigaysa seddex sano oo uu xilka hayey tan iyo markii loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed