Madaxweyne Xasan Sheekh “ciidanka ka tallaabay xadka Kenya waa inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii”

Kadib dhowr todobaad oo dagaallo khasaare dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay ka dheceen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, markii ugu horeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadki ku dhintay dagaallada. Dadka dhintay ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada ay ka bexeen, isaga oo si gaar ah ula hadlay Ciidamada Jubbaland ee xadka Kenya u talaabay.

Madaxweyne Xasan ayaa fariin gaar ah u diray ciidamada Jubbaland ee xadka Kenya u tallaabay, isagoo ku adkeystay in ay si nabad ah ugu laabtaan deegannadoodii, isla markaana ballan qaaday in aan cidna ciqaab lagu soo rogi doonin, loona xaqiijinayo badqabka iyo nabadgelyadooda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo ugu fidiso dadka ay saameeyeen colaadda iyo xaaladda cakiran ee gobolka.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyada ku lug leh xiisadaha gobolka ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay wadaxaajood iyo isfaham looga gudbo khilaafaadka jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed