Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dalka Uganda uga qeybgalaya saacado kooban Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).
Madasha ayaa isu keenaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wadahadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.
Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynayaasha Uganda iyo Kenya, Yoweri Museveni iyo William Ruto.
Kulamadan ayaa Villa Soomaaliya sheegtay in diiradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
Shir madaxeedka waxaa lagu lafa guri doonaa Istaraatiijiyad cusub oo tobanka sano ee socda ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika oo dhan loo qaadan doono CAADP.
CAADP waa Ajendaha 2063 qaaradda, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo wadamada Afrika sidii ay meesha uga saari lahaayeen gaajada iyo in la dhimo saboolnimada, iyada oo kor loo qaadayo kobaca dhaqaalaha.
HBN ONLINE TV