Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada dalka ku qaabilay Xoghayaha guud ee IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu iyaga oo ka wada hadlay waa sida halka loo dhigayee xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka.

Gelinkii hore ee maanta ayey ahayd markii ay dalka soo gaareen waftiga ka socday urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayey xoghaye Gebeyehu isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda kala duwan ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed