Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerooyinka tababarada ee TurSom, General Dhaga-Badan, iyo General Daa’uud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu kormeeray cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo u diyaarsan inay kaalin mug leh ka qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka faa’ideystay inuu sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka cusub ee lagu wado in ay u amba baxaan dalka Turkiga si ay u helaan tababar ciidan oo la xoojiyay. Ujeedada tababarkan ayaa ah in ciidamada lasiiyo xirfado iyo aqoon si loo xoojiyo awooda ciidamada Soomaaliya.
Dufcadii 10-aad ee ciidanka Kumaandooska ee loo yaqaano DANAB, ayaa tababar gaar ah ugu soo gaba gabeeyay Dugsiga Sare ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Xasan Tuure ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadan Kumaandooska ah ee sida aadka ah u tababaran ayaa hadda diyaar u ah inay ku biiraan howlgallada lagu ciribtirayo Al shabaab, laguna soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkan uu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga dalka iyo la dagaalanka khatarta kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa markii uu si shaqsi ah u kormeeray xerooyinka lagu tababaro ciidamada iyo sagootinta ciidamada waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga qaranka.
Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ka tarjumaya dadaallada wadajirka ah ee dowladda Soomaaliya, ciidamada ammaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo kooxdaas.
HBN NEWS DESK