Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah oo uu la leeyahay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa socdaalka Madaxweynaha ku sifeysay in uu ku saleysanyahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Eritrea ayaa Soomaaliya ka caawisa tababarka iyo soo saarista ciidamada Qaranka, taasi oo kaalinteeda ku sheegtay mid ay ugu abaal gudeyso dowladda Soomaaliya.
Kulankan xasaasiga ah ee labada madaxaweyne ayaa ku soo aadaya iyada oo ay xiisad adag kala dhexeyso Itoobiya, waxaana labada dowladood ay sheegeen in ay wadaan kulamo is gashaanbuursi ah oo ay ku adkeynayaan cilaaqaadka ka dhexeeya iyo dhismaha dhanka ciidamada.
HBN ONLINE TV

