Madaxweyne Erdoğan oo ku goodiyey in aan la aqbali doonin aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa si cad u sheegay in Turkigu uusan aqbalayn go’aanka Israa’iil ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaya madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diida lagu ilaalinayo midnimada dalalka, gaar ahaan Soomaaliya oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay colaado iyo xasillooni-darro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay in loo maro hannaan ka tarjumaya rabitaanka dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.

“Ma aqbalayno go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, kaas oo beegsanaya madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Tallaabo kasta oo la xiriirta mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland waa in loo qaadaa si ka tarjumaysa rabitaanka dhammaan shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Erdoğan.

Erdoğan ayaa xusay in Turkigu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo xasillinta dalka.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin doodo iyo falcelinno caalami ah oo ku saabsan mowqifyo kala duwan oo la xiriira mustaqbalka Somaliland iyo midnimada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed