Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland oo taageeray Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa si cad u taageeray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isaga oo ugu baaqay codbixiyayaasha in ay taageeraan isbedel doonka doorashada soo socota ee November 13-keeda.

Saylici oo in ka badan 14 sano soo ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa isagoo hareer taagan musharaxa xisbiga Wadani ayaa sheegay inuu taageerayo xisbiga Waddani waxaanu eedo uu u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi.

“Madaxweyne Muuse mar dambe laguma aamini karo talada dalka, wuu ka tanaasulay dhaartii uu qaranka u dhaartay, danta Somaliland waxay ku jirtaa isbedel-doonka,” ayuu yiri Saylici.

Saylici waxaa kale oo uu taageeray urur siyaasadeedka Barwaaqo oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo ka soo horjeeda Hilaac oo la safan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Taageeradiisa ayaa ku soo beegantay iyada oo ololaha Cirro uu si xawli ah u socdo, isla markaana ay dad caan ah, ganacsato iyo taageerayaal kale oo miisaan leh ay si weyn u taageersan yihiin Waddani.

Guddoomiye Cirro waxa uu soo dhaweeyey go’aanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo kooxaha la safan ee ay doonayaan inay isbedel ku sameeyaan xukuumadda.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa doorashadan u arka mid muhiim ah oo ay ku jirto dano guud iyo rabitaan isbedel oo dhanka maamulka ah.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxa ay sheegaan in taageerada Saylici ay sii xoojin karto fursadaha uu Cirro ku heli karo xisbiga talada haya, taas oo keeni karta in ay beddesho miisaanka awoodeed ee siyaasadda Somaliland, iyada oo boqolaal taageeerayaal ah ay ku soo xireeen xubnaha mucaaradka ah.

Doorashada Somaliland oo saacado inaga xigaan ayaa la filaayaa in 13-ka bishaan ka bilaabato deegaano badan, waxaana doorashada ka qeyb ah korjoogayaal ka socda caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed