Madaxweyne ku xigeenkii 2-aad ee Jubbaland oo ku geeriyooday Kenya

Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Madaxweyne ku xigeenkii 2-aad ee Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Kenya, halkaasi oo maalmahii u dambeeyay uu ku jiray isbitaal ku yaalla Nairobi sababo xaalado caafimaad, waxaana geeridiisa xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ka tacsiyadeeyey.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sarreeya Jubbaland, isagoo door weyn ka qaatay dhismaha maamulka, nabadaynta bulshada, iyo horumarinta dowladnimada. Wuxuu sidoo kale ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo si weyn looga yaqaanay gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Lugo-dheere ayaa sheegay in uu ahaa “halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada”.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, Bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahii u dambeeyay” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay gudaha Jubbaland, iyadoo masuul badan ay si aad ah u muujinayaan tiiraanyo iyo tacsiyo ku aaddan qofkii uu ahaa iyo kaalintii uu ku lahaa siyaasadda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed