Madaxweynaha Jabuuti oo si adag uga hor yimid dalab Itoobiya kaga yimid oo ku aadan deked iyo saldhig ciidan

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay jariidada Jeune Afrique ku shaaciyay in dowladda Itoobiya ay dhawaan u soo dirtay Jabuuti wafdi siday codsi rasmi ah, kaas oo Addis Ababa ku dalbanayso deked ay si gaar ah u maamusho iyo saldhig ciidan oo badeed, oo ay ka dhisato magaalada Tadjourah ee waqooyiga Jabuuti.
Madaxweyne Geelle wuxuu arrintan ku tilmaamay mid “la yaab leh”, isagoo si cad u sheegay in dalkiisu uusan aqbalaynin dalab noocaas ah.

“Itoobiya waxay noo soo dirtay wafdi codsi la yaab leh wata, in la sameeyo marin ay si buuxda u maamusho, oo ka bilowda xadka Itoobiya kuna dhammaada Tadjourah, iyo in la siiyo fasax ay saldhig ciidan kaga dhisato badda. Tani ma ahayn wax aan isla ogayn. Sidaas darteed, arrintan waan diidnay. Waxaan u sheegnay Itoobiya in Jabuuti aysan ahayn Crimea.” ayuu yiri Geelle.

Hadalkan, oo si cad u adkeysanaya madax-bannaanida iyo qarannimada Jabuuti, wuxuu dhaliyay falcelin ballaaran oo ku saabsan mustaqbalka xasilloonida Geeska Afrika iyo loollanka xooggan ee socda ee ku aaddan ilaha istaraatiijiga ah sida dekedaha badda.

Geelle wuxuu caddeeyay in Jabuuti aysan aqbalaynin wax faragelin ah oo lagu sameeyo siyaasaddeeda gudaha ama kaabeyaasheeda istaraatiijiga ah, isagoo tusaale u soo qaatay ka bixitaankii heshiiskii DP World, taas oo ahayd tallaabo muujinaysa in Jabuuti go’aanadeeda ay ka tashato si madax bannaan.

Wuxuu tilmaamay in haddii Itoobiya ay rabto iskaashi, uu jiro dariiq sharci ah iyo isfahan derisnimo, balse aysan suurtagal ahayn in dal kale uu si gaar ah u xukumo qayb istaraatiiji ah oo ka mid ah dhulka Jabuuti.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn (landlocked) ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale iyo kuwa ganacsi, iyadoo ku tiirsan dekedaha Jabuuti in ka badan 90% ganacsigeeda. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu dhowaan bilaabay olole qaran oo ku saleysan fikradda ah “Itoobiya waxay u baahan tahay bad ay dal ahaan u hesho.”

Arrintaas ayaa loo fasiray inay dhali karto is-haysi siyaasadeed iyo loollan istaraatiiji ah oo u dhexeeya labada dal, haddii aan si furan oo sharci ku dhisan loo xallin.

“Jabuuti ma aha Crimea” Hadalka Geelle wuxuu leeyahay farriin qoto dheer. Wuxuu ka digayaa in Itoobiya aysan isku dayin inay ku dhaqanto xeelad cadaadis ah, ciidan ama xasuusin taariikheed, si ay u hesho marin-badeed gaar ah. Crimea waa gobol uu Ruushku xoog kaga qabsaday Ukraine sanadkii 2014, waxaana tusaalahaasi u muuqdaa digniin toos ah oo uu Geelle u diray Addis Ababa.

Hadalkan Madaxweyne Geelle wuxuu si cad u muujinayaa in Jabuuti ay ilaalinayso madax-bannaanideeda, isla markaana aysan aqbaleyn in laga dhigo goob istaraatiiji ah oo ay si gaar ah u adeegsadaan dalal kale. Waxa uu sidoo kale xoojinayaa baahida loo qabo wada hadal dhab ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo deriskeeda si looga fogaado isku dhacyo istaraatiiji ah oo saameynaya xasilloonida Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed