Madaxweyne hore Farmaajo oo ku eedeeyey Xasan Sheekh in uu “qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay”

Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in xaalado adag ay ku gadaaman yihiin oo khataro badan dalka, kadib go’aankii maanta ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

Farmaajo Madaxweynihii 9-aad ee dalka oo qoraal soo saaray ayaa muujiyay in tani dalka ay u horseedayso qalaalase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga, isagoo meel adag ka istaagay sida uu qabo doorashooyinka muucaaradku ku sheegeen kuw aan loo dhameyn.

“Marar badan waxaan ka dignay in wax ka bedel aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay,” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkiisa ayuu kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.”

Wuxuu ugu baaqay dowlad goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado sida uu hadalk u dhigay hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed