Madaxweyne hore ee Soomaaliya Sheek Shriif oo ku eedeyey Dawlada Soomaaliya inay wado qorshe “doorasho been ah” iyo “caburin ka dhan ah mucaaradka”

Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay shirarka mucaaradka uga socda Muqdisho ee looga tashanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimada iyo haweenka, isla markaana ay ka yeesheen aragti mideysan.

Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda inuu dhammaaday muddo xileedkeeda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in dalka uu galay sida uu hadalka u dhigay qalqal siyaasadeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in “doorasho been ah” aysan suurtagal noqon doonin sida uu ku dooday, isla markaana uu jiro waxa uu ku tilmaamay boob doorasho oo uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay caburin uu tilmaamay in lagu hayo mucaaradka, isagoo xusay in xubno ka tirsan xisbigiisa la xiray sababo la xiriira aragtidooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan boob iyo barakicin lagu hayo shacabka, isla markaana ay qorsheynayaan inay la kulmaan dadka ay dhibaatadu saameysay, xilli dalka uu wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka iyo dastuurka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed