Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in is afgaradkii isaga iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya dhexmaray 1-dii Janaayo 2024 si adag looga itaal roonaaday, isla markaana si cad uga hor yimaadeen Ururada Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Labada urur ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Biixi ayaa xusay in culayska la saaray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ahaa mid ka yimid dhinacyo badan oo daneeyay in khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan sii fogaan. Wuxuu qiray in cadaadiska caalamiga ahi sabab u noqday in Itoobiya ka laabato is afgaradkii, taasoo keentay in xitaa dood la gaarsiiyo in xarunta Midowga Afrika laga raro magaalada Addis Ababa si Itoobiya loogu cadaadiyo.
“Itoobiya waa looga adkaaday heshiiskii ay la gashay Somaliland, waxaa la go’aamiyay in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa, heshiiskaas waxaa ka hor yimid Ururka Afrika & kan Carabta” Ayuu yiri Muuse Biixi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay heshiiskaasi u aragtay halis weyn oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada dalka, balse falcelintii degdegga ahayd ee Muqdisho ay sameysay iyo taageerada caalamiga ah ee ay heshay, ayaa keentay guul siyaasadeed oo taariikhi ah.
Heshiiska burburay ayaa markale xaqiijiyay in caalamku aqoonsan yahay hal dal oo Soomaaliyeed, iyadoo Muuse Biixi uu qiray in Addis Ababa si cad u garowsatay in ay dib uga laabato.
DFS waxay isku muujisay awooddeeda ay ku difaacayso maslaxaddeeda qaranka, iyadoo kor u qaaday miisaankeeda diblomaasiyadeed, isla markaana isu keentay taageerada gobolka iyo caalamka. Dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa si cad u taageeray mowqifka Soomaaliya.
Is afgaradkii uu madaxweyne Biixi la saxeexday Ra’isalwasaare ayaa waxaa qayb ka ahaa in Itoobiya kaalin ka qaadato sidii Somaliland u heli lahayd madaxbannaani iyadoo Addis Ababa ku bedelanayso aqoonsi in la siiyo saldhig ciidan iyo dekad ay ka samaysato xeebaha gobolka Awdal, tilaabadaasi oo dawlada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkuba ay si cad ugu fasireen mid ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhinaca Itoobiya, burburka is afgaradkii wuxuu horseeday hoos u dhac diblomaasiyadeed – Itoobiya waxaa lagu eedeeyay jebinta xeerarka caalamiga ah iyo qaranimada dal daris la ah. Cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah – Abiy Ahmed wuxuu wajahaa caqabado badan, oo ay ka mid yihiin colaadaha gudaha, xiisadaha Tigray iyo Oromiya, iyo khilaafaadka deriska.
Ugu dambeyn, Addis Ababa ayaa ku dhawaatay luminta kalsoonida caalamka – Qorshihii marin-badeedka uu ku doonayay Abiy ayaa wiiqmay, isagoo muujiyay sida ay ugu nugushahay cadaadiska diblomaasiyadeed.
HBN ONLINE TV