Madaxweyne Farmaajo oo Siyaasiyan Dhaliilay Hannaanka Gogosha Wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si siyaasadeed u dhaliilay hanaanka uu Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud u wajahayo gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay 1-dii bishaan Juun. Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo maaraynayo gogoshaasi ay muujinayso sida hadalka uu u dhigay in Madaxweynuhu uu ka leexanayo sidii si dhab ah loogu wajahi lahaa xaaladda siyaasadeed ee taagan iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay in ciddii la martiqaaday, ajandaha la shaaciyay iyo qaabka loo diyaariyay gogosha ay dhamaantood caddeyn u yihiin in aan weli la garwaaqsan muhiimadda ay leedahay talo-wadaagga dhab ah oo dhex mara heerarka kala duwan ee dowladda – heer federaal iyo heer dowlad-goboleed – si loo ilaaliyo midnimada qaranka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku socdo siyaasad ku dhisan “cidna loo joojin maayo,” taasoo dalka u horseedi karta sida uu qabo qalalaase siyaasadeed oo hor leh. Wuxuu tusaale u soo qaatay hannaanka marti-qaadka oo aan wax xal ah u keenin khilaafaadka taagan, gaar ahaan kuwa la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu hadda wado qorshe uu ku tilmaamay sharci darro oo uu ku beddelayo 11 cutub oo ka mid ah dastuurka KMG ah ee horey heshiiska loogu ahaa.

Sidoo kale Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in martiqaadka gogosha uu barbar socdo dhaqan-gelinta hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn, kuna dhisan sharciyo iyo guddiyo uu Madaxweynuhu kaligii magacaabay. Wuxuu sheegay in arrintan ay dhaawac ku tahay xuquuqda muwaadiniinta, maadaama dadka lagu qasbayo sida uu tilmaamay is-diiwaangelin aan sharciyad ku dhisnayn. Waxaa xusid mudan intan guddiga Doorashooyinka ay si cad u beeniyeen

Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu mar kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhab ah u wajaho xaaladda adag ee dalka ka taagan, kuna soo laabto dastuurkii lagu heshiiyay, islamarkaana gogosha wadatashiga iyo go’aannada masiiriga ah noqdaan kuwo loo dhan yahay oo ay si buuxda uga qaybqaataan dhammaan heerarka dowladda ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed