Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho rasmi ah xalay uga bilaabatay dalka Jabuuti ka dib markii uu gaaray caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti.
Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Emmanuel Macron iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku joogi doona Jabuuti mudda laba cisho ah waxaana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa colaadaha ka jira Soomaaliya iyo Suudaan.
Kulanka labada masuul oo lagu tilmamay mid is kaashi oo kor loogu qaadayo dadaalada uu ka wado Afrika ayaa kor loogu qaadi doonaa sidii loo hor mari lahaa cilaaqaadka kala dhexeeya.
Macron ayaa inta uu jooga Jabuuti waxaa uu booqa doonaa saldhigga ugu weyn ee qaaada uu ku leeyahay Faransiiska tan iyo sanadkii 1977-kii, isaga oo soo indha indheyn doona.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale u duuli doona magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dalalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.
HBN ONLINE TV