Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay shirka la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uusan wax waxtar ah laheyn, isla markaana uu yahay sida uu hadalka u dhigay madhalays aan xal u keeneyn masiirka dalka.
Deni ayaa sheegay in shirkan uusan u muuqan mid si dhab ah loo agaasimay, isla markaana aysan jirin diyaar-garow buuxa oo lagu xaqiijinayo in laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
“Shirka maanta baaqday awalba wax si fiican looga baaran-dagay ma aheyn. shirar madhaleys ah oo aan waxba ka soo baxeynin qabashadooda waxba soo kordhin-mayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin baaqashada shirka ama wax ka beddelka jadwalkii horay loo shaaciyey, waxaana weli mugdi ku jira suurtagalnimada qabsoomidda shirkan.
Madaxweyne Deni ayaa carabka ku dhuftay in aysan suurtagal ahayn in “dad kooban ay dalka masiirkiisa afduubaan,” isagoo xusay in loo baahan yahay shir qaran oo dhab ah oo lagu badbaadinayo dalka. “Waxaan ku talinayaa shir loo dhan yahay oo xaqiiq ah oo dhab ka hadal ah oo lagu samatabixinayo dalkaan inuu dhoco,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu xusay in Puntland weligeed ka go’an tahay inay ka qeybqaadato dadaallada lagu dhisayo dalka iyo midnimada Soomaaliyeed. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uusan kaligiis gaarin go’aamo masiiri ah ee saameynaya guud ahaan dalka, isagoo ku booriyey in la ilaaliyo nidaamka wadatashiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV