Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ku booqday Isbitaalka lagu baxbaaninayo ciidamada ku soo dhaawacmay howlgalka ka socda buuralayda Calmiskaad ayaa sheegay inay Soomaaliya ku soo duuleen Ajnabi.
Dadka shacabka ah ayuu kaga mahadceliyey garab istaagga dhan walba leh ee ay la garab taagan yihiin Ciidaamada dagaalka kula jira kooxda Daacish, waxaana Isbtilaada deegaannada Puntland waxaa buux dhaafiyey oo lagu arkayaa dad badan oo dhiig u shubaya Ciidamada soo dhaawacmay.
“Puntland waxay go’aansatay iyada iyo dadkeeda inay isku tashadaan, cidii wax ku biirisaa diidi-meyso way soo dhawayneysaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isagoo intaasi ku daray “Cidbaa wax ina tagareysa Gacmaha u laaban mayno”.
Deni ayaa sheegay in dadka lagu dilay howlgalka ee kooxda Daacish ka mid in inta Soomaali ka ah aanay dhaafsiisneyn sida uu hadalka u dhigay 100 ruux.
“Dad Ajnabi ah waaye waxa meesha jooga, ilaa iyo hadda qof suurad [Muuq] Soomaaliyeed aan u garano intii halkaa ku dhimatay oo 100 kor u dhaafaysaa ma jiraan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku andacooday in duqeynta laga kaaday ka sokow aanay jirin cid ka caawisay in lagu garab siiyo oo ay ugu yar tahay sida uu warka u yiri ” Xabad kaniini ah”.
Muuqaalladii ugu dambeeyey ee HBN ONLINE TV ka helayso goobaha Caafimaadka ayaa muujinaya dad badan oo safaf ugu jira bixinta dhiigga, halka dhaawacyada ciidamada Puntland ay goobahaasi lagu dawanayo.