Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qeybgalay bandhiga wejiga labaad ee howlgalka maamulka ugu magac daray “Ciribtirka Argagixisada” ayaa khudbad dhinac badan taabaneysay oo uu jeediyey waxaa uu kaga hadlay dagaalka ka socda Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Saciid Deni oo sheegay in howlgalka loo gudbiyey wajigiisii 2-aad ee dagaalka ka dhan kooxda Daacish ee lagaga saarayo buuraha Calmiskaad ayaa digniin uu u diray shacabka ku haray goobaha dagaalka ka socdo, waxaana uu faray inay isaga baxaan halkaaasi. Dagaalka ka socda Bari ayuu sheegay inuu socon doono ilaa laga saarayo kooxda gobolka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland dagaal Berri, Cir iyo Badda ay la gali doonaan kooxda, waxaana uu yiri “Inta dhiman waxaa Puntland ka go’an wajiga 2-aad inay Berri, Bad iyo Cir-ba kala dagaalanto”.
Sidoo kale, waxaa uu intaasi ku daray ” Waxaan cadeynaynaa dadkaasi inay noqdaan [Daacish] haday isi soo dhiibi waayaan wax la dilay iyo wax maxaabiis dagaalka lagu qabtay oo Maxaabiis ah oo loola dhaqmo, sida Maxaabiista dagaalka ay leeyihiin”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kale, dadka ka tirsan kooxda Daacish ee dagaalka lagula jiro ayuu carrabaabay inay dhamaatay wajigan 2-aad fursadii ama cafiskii loo fideyey wajigii 1-aad, isagoo yiri “Cid dambe oo fursad la siin doono maleh, Waajibaadkaasi ciidamada Dowladda Puntland waa ay qabaan”.
Waxaa uu ku faanay in Ciidamada Puntland ay soo rideen diyaarado Drones Qarxa oo Daacish ku soo weerartay ciidamada ku jira howlgalka, iyagoo isticmaalay xeelad kasta.
“Ciidankeennu wuxuu soo riday Drones Argagixisadu isticmaashay, Dowladdu waxay isticmaashay xeelad kasta oo casri ah oo dagaalku sababay” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxeynaha Puntland Saciid Deni ayaa labo Bil ka hor magaalada Boosaaso ka iclaamiyey guluf dagaal oo maamulku uu ku qaaday Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyadoo kooxda Daacish lagala wareegay ku dhawaad 50 goobood sida ay Puntland sheegtay inta dagaalka uu socdo.
HBN ONLINE TV