Madaxweyne Deni oo ku baaqay nabad iyo wada noolaansho u dhexeysa Puntland, Somaliland & Galmudug

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in nabad iyo wada noolaansho buuxda ay ku wada noolaadaan derisyada Puntland, Somaliland iyo Galmudug, isaga oo hadalkiisa loo fasiray mid ka dhan ah maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu jeediyay golaha wakiillada, isagoo amaan u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, dadaallada uu ka wado magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo gogol nabadeed la dhigayo.

“Waxa naga go’an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland iyo Galmudug, waxaana Madaxweynaha Somaliland ku ammaanayaa gogosha Nabadda Ceerigaabo oo aan borrinayo in laga wada qaybgalo,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan gacmaha ka laaban doonin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimadiisa, isaga oo xusay in doorkaasi uu yahay mid ay qaadanayaan Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubbaland iyo mucaaridka Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale ku celiyay in aysan jirin cid u dhexeysa Puntland iyo Somaliland, balse labada dhinac ay si toos ah u wada hadli karaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo iskaashi derisnimo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nabadda iyo wada hadalka gobolka Sanaag, halkaas oo ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga siyaasadeed iyo midka bulshada ee maamulada deriska ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed