Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xiri doonta magaalada Boosaaso iyo Calmiskaad, gaar ahaan deegaanka Dhaadaar ee togga Jacayl oo ku yaalla bartamaha Buuraha. In saldhig Daacish ka dhigato Calmiskaad ayuu sheegay Deni inay sabab u aheyd xagga wadooyinka oo ay noqotay meel ciidanka aanay si sahal ah u gaari karin.
Wuxuu carrabaabay in jidkan cusub uu muhiim u yahay isku socodka deegaanka, sugidda ammaanka iyo in la hubiyo in kooxaha xagjirka ah ee dambiyada caalamiga ah galay aysan dib ugu soo laaban buuraha Calmiskaad sida hadalka u dhigay.
“Waxaan rajaynaynaa in wadadani ay fure u noqoto in deegaannada Calmiskaad aysan mar dambe noqon godad ay ku dhuuntaan dambiilayaal, ayna ciidamada amniga iyo shacabka si fudud u tegi karaan” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sidoo kale, Deni ayaa ugu baaqay ganacsatada Boosaaso inay gacan muuqata ka geystaan hirgelinta waddadan, maadaama ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, isagoo tilmaamay in aanay suuragal dambe noqon doonin in magaalada Boosaaso laga soo handado sida hadalka u dhigay dhanka buuraha Calmiskaad.
“Suurgal ma noqoneyso in cadow dambe uu handado Boosaaso , qaasatan kan Calmiskaad u fadhiya” ayuu yiri markale madaxweyne Deni.
Tan iyo dhamaadka sanadkii hore Ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa ku dagaalamaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo 10 bilood ku dhawaad labada dhinac uu soo kala gaaray khasaare culus. Puntland oo ka hadashay xaaladda dagaallada ayaa sheegtay inay 98% ay gacanta ku hayaan Calmiskaad sida uu goob fagaare ah ka sheegay madaxweyne Deni loona gudbi doono wajiga xiga ee dagaalka oo ka wajahayo Calmow.
HBN ONLINE TV