Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa si cad uga hadlay warar muddooyinkii ugu dambeeyey socday oo la xiriiray xaaladda amni, siyaasadeed iyo dhacdooyin dhowaan ka dhacay gudaha deegaanka, isaga oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Madaxweyne Cagjar ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in xafiiska ururka ONLF laga xiray magaalada Jigjiga ama xubno ururka ka tirsan loo xiray arrimo siyaasadeed. Isagoo hadalkiisa si jees jees ah u dhigay ayuu yiri: “Ha iska daayaan fulaynimada, cid ONLF ah oo xiran ma jirto.” Wuxuu intaa ku daray in haddii qof xiran jiro loo eegayo arrimo sharci ah, balse si toos ah u caddeeyay “Ma jiro.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa beeniyay in xafiiska ONLF la xidhay, inkastoo uu qiray in “dhacdo yar” ay ka dhacday xarunta ururka, taasoo sabab u ahayd buuq ka dhacay magaalada iyo xiriir la’aanta hay’adaha amniga. Sida uu sheegay, dad yar ayaa la qabtay, balse dhowr cisho kadib waa la sii daayay. “Dhacdooyin yarbaa ka dhacay dad la riixay iyo dad la yar qabtay baa jirtay”.
Cagjar ayaa sidoo kale ka hadlay rabshado dhowaan ka dhacay deegaanka Dacawalay oo ay warbaahinta Itoobiya iyo Soomaalidu sheegeen inay ku dhinteen ku dhawaad 40 qof oo shacab ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa arrintaas diiday, isagoo sheegay in dadka la dagaallamay ciidamada Liyuu Booliis aysan ahayn shacab, balse ay ahaayeen dad uu ku sheegay “dablay hubaysan oo da’doodu ahayd da’da dagaalka.”
“Geeljire haddii uu qori qaato, ciidamada la dagaallamo, shacab ma aha.” ayuu yiri madaxweyne Cagjar, isagoo intaasi ku daray in dadkaasi ay ka yimaadeen dhinaca Somaliland, isla markaana ay ahaayeen kooxo qabiil ku saleysan oo isku dayaya inay colaadda huriyaan.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida wuxuu si gaar ah u eedeeyay kooxahan in ay doonayaan inay xasillooni-darrada uga faa’iideystaan yoolal siyaasadeed, isagoo sheegay inay doonayaan in la wiiqo xukuumadda cusub ee Somaliland iyo tan uu isagu hoggaamiyo.
Wuxuu intaasi ku daray in dowlad deegaanka ay haatan guulo ka gaadhay dedaallada nabadaynta, isagoo xusay in ay socdaan wadahadallo dib-u-heshiisiin ah oo ay si dhow uga shaqeynayaan Somaliland, maadaama dadka deegaanka Dacawalay ay sidoo kale degaan gudaha Somaliland.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in labada dhinac ay isla garteen in nabad la helo, isaga oo muujiyay rajada uu ka qabo in xal waara laga gaaro khilaafka deegaankaasi.
Colaadda Dacawalay ayaa la sheegay inay ka dhalatay isku day maamulka deegaanka uu ku doonayay in uu xoog ku meel mariyo go’aan dhuleed ay mid ka mid ah beelaha deegaanka si adag u diiday. Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay dhacdada, iyada oo ku eedeysay ciidamada Liyuu Booliis in ay geysteen “xasuuq iyo tacaddiyo baahsan.”
Liyuu Booliiska, oo xilligii madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar si weyn loogu eedeeyay ku takrifal awood ciidan, ayaa mar kale la kulmaya eedeymo la mid ah, inkasta oo xukuumadda Cagjar ay sheegtay inay ka shaqeynayso dib-u-habeyn buuxda oo lagu sameeyo laamaha ammaanka.
HBN ONLINE TV