Madaxweyne Cirro: “Soomaaliya Way ku jabaysaa haddii ay kusoo duusho Somaliland”

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay damacsan tahay duullaan ka dhan ah Somaliland, isagoo ku hanjabay in tallaabo kasta oo caynkaas ah ay ku dambayn doonto jab culus.

Khudbad uu jeediyay madaxweynaha, oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Madaxtooyada Somaliland, ayuu ku caddeeyay in Somaliland ay u diyaarsan tahay difaaca dhulkeeda, islamarkaana ay si adag uga jawaabi doonto haddii la isku dayo faragelin amni ama mid militari oo ka imaanaysa Soomaaliya.

Khudbadda la baahiyey ayaa cinwaan looga dhigay “Haddii Soomaaliya kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland, sidii hore ugu jabtay ayey si ka daran ugu jabi doontaa” ayuu madaxweyne Cirro ku sheegay in ay caalamkana la wadaagayaan waxa uu ku tilmaamay “duullaan bareer ah” oo ay Soomaaliya ku hayso Somaliland.

“Soomaaliya waxa ay u bareertay inay qalqal geliso amniga, nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland. Waxaan dunida u sheegaynaa in arrintaasi tahay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa baaq u diray shacabka Somaliland, isagoo ugu yeeray inay u diyaar garoobaan difaaca Somaliland, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha amniga.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhaxeysa Somaliland iyo DFS, inkasta oo aysan weli jirin wax hadal rasmi ah oo dhinaca Dowlada Soomaaliya kasoo baxay oo ka jawaabaya eedeymahan.

Magaalada Laasacaanood oo lagu wado inay tagaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayey xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga in si aad ah loo adkeeyey amnigeeda, iyada oo halkaasi la geeyey ciidamo badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed