Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta ku dhowaaqay isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay maamulka heer gobol, taas oo timid kadib muddo saddex maalmood ah oo magaalada Boorama ay ka socdeen mudaaharaadyo rabshado watay, sababayna dhimasho & dhawaac.
Wareegtada kasoo baxday madaxtooyada Somaliland ee lagu faafiyey boggooda ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal & laba guddoomiye kale oo Sanaag & Saaxil ah.
Xubnaha xilka laga qaaday ayaa kala ah Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane Guddoomiyihii Saaxil & Axmed Cabdi Muuse oo Sanaag ah. Waxaa isna la raaciyey xilka xayuubinta Haybe Cismaan Muuse Xubin oo ka mid ahaa GuddidaTacliinta Sare.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa magacaabay guddoomiyaasha cusub ee beddelaya kuwii xilka laga qaaday & qaar kale, kuwaas oo kala ah:
Cabdirashiid Xasan Mataan – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid – Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) – Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, Cabdi Siciid Faahiye Allaale – Xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare (Guddoomiyihii hore ee Gobolka Salal), Proff. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) – Guddoomiyaha Gobolka Salal & Cabdiraxiin Muxummad Axmed – Guddoomiyaha Gobolka Saraar.
Isbeddelkan degdegga ah ayaa loo arkaa dadaal loogu jawaabayo xiisadda iyo bannaanbaxyada ka taagannaa Boorama, iyadoo maamulka cusub laga sugayo dejinta xaaladda iyo xasilinta gobolka.
Hbn Online Tv

