Madaxweyne Cirro oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadda ee gobolka, Sool iyo sanaag, isagoo fariin u diray DFS

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta magaalada Berbera ka jeediyey khudbad adag oo ku saabsan arrimaha diblomaasiyadda, maalgashiga iyo xaaladda siyaasadeed ee gobollada Sool iyo Sanaag

Cirro ayaa ku adkeystay in Somaliland ay ku jirto waddo aan dib loo celin karin, isla markaana ay si buuxda ugu socoto dhabbaha madax-bannaanideeda, isaga oo fariin gaar ah ugu duurxulayey Dowladda Soomaaliya. “Somaliland ma jooji kareysaan, waxba haka hinaasina”. ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Somaliland ay soo jiidanayso maal-gashadayaal caalami ah, gaar ahaan kuwa xiiseynaya dekedda Berbera. Wuxuu xusay in wafdi sare oo Somaliland ah ay booqasho rasmi ah ku tageen Taiwan, halkaas oo ay kala hadleen iskaashi ku saabsan dhismaha ciidanka badda iyo mashaariic horumarineed.

“Dalal badan oo dunida kuwa ugu waa weyn ah baa doonaya in ay Somaliland xiriir la yeeshaan,” ayuu raaciyay.

Dadka ku nool Bariga Sool ayuu ugu baaqay in ay ka tashadaan masiirkooda, isagoo sheegay in dadka Sool iyo Sanaag ay yihiin kuwa ay leedahay Somaliland. Wuxuu tilmaamay in Hargaysa uga dhowdahay dadka Laasacanood Xamar.

“Sool Bari ku shira ama meel kale, Sool iyo Sanaag waa Somaliland. Laascaanood waxaan leeyahay dadka jooga, Xamar Hargeysa idinka dhow.” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, isagoo ka hadlay arrimaha abaaraha, wuxuu carrabka ku adkeeyay in yabooha iyo gargaar kasta oo loogu talagalay shacabka in la soo marsiiyo guddiga abaaraha ee rasmiga ah, inkasta oo uu digniin adag ka baxshay.

“Dalalka iyo shaqsiyaadka is leh siyaasadeeya oo laga yaabo inay yiraahdaan gobollo qaarkood ayaan wax siinaynaa – waxaan leenahay guddiga abaaraha soo marinaysaan. Haddii aadnan soo marine, meesha aad gaynaysaan adinkaa yaqaanna,” ayuu ku adkeeyay Madaxweyne Cirro.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay sugayso waqtiga ku habboon xaqiijinta amniga xuduudaheeda iyo madax-bannaanideeda ay sheegato.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed