Madaxweyne Cirro oo sheegay in Somaliland xal u heyso dhibaatada Soomaaliya haysata

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska 18-ka May, oo lagu xusayey 34 guurada kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda.

Hadal jeedinta intii ku jiray ayuu Madaxweyne Cirro si togan ugu faanshay Somaliland inay gaartay yoolal waa weyn iyo isku filnaasho, wuxuuna xusay inay si nabad ah ku qabsadeen si afti qaran ah sideed doorasho.

“Waxaa Somaliland qabsatay afti qaran iyo 8 doorasho oo dhammaantood xukunka si aan turxaan laheyn oo qori isu dhiib ah la isugu wareejiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay door ka qaadato xal u helidda dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in ay xog-ogaal u yihiin arrimaha ka khaldan dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyey in Somaliland ay wax badan ka qaban karto sida uu hadalka u dhigay xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata.

“Waxaan ku kalsoonahay Somaliland oo qaran madax-bannaan ahi inay wax badan ka qaban karto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata, waxa aan xog ogaal u nahay waxa ka khaldan dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Xuska 18-ka May ayaa si weyn looga xusay guud ahaan deegaannada Somaliland, iyadoo dadweyne farabadan ay isugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn si ay u muujiyaan taageeradooda gooni-isu-taagga Somaliland.

Maanta oo 34 sano ooo u buuxsantay weli ma jirto cid si rasmi ah u aqoonsatay dawladnimada Somaliland, iyadoo dhowr jeer ay fashilmeen wadahadalo u socday Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya oo la doonayey in xal looga gaaro khilaafka daba-dheeraaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed