Madaxweyne Cirro oo sheegay in Somaliland iyo Itoobiya kala maarmin

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si cad u sheegay in Somaliland aysan marnaba ka maarmeyn Itoobiya oo haatan kala dhaxeeyaan sida uu hadalka u dhigay dano badan.

Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad ka jeedinayay kulan sharafeed uu Qasriga Madaxtooyadda ugu sameeyay Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay inay waajib ku tahay ilaalinta xiriirka soo jireenka ah ee Itoobiya.

“Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Waxa uu intaas kusii daray “waajibey inagu tahay inaan xiriirkaasi wanaajino, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno.”

Dowladda Mareykanka ayuu sheegay inay ku jirto dalalka si gaarka ah u daneeya Somaliland, isaga oo u xusay arinta xilhibaano ka mid ah golaha Sanatka oo soo bandhigay in Washington cilaaqaad la sameyn doonto xukuumadda Hargeysa.

“Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Mareykan iyo guddidada arimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Mareykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland. Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sanadihii u dambeeyay golaha wakiilada Maraykanka ayaa gudbiyay xeerar tilmaamaya in Washington ay si gaar ah ula shaqayso Hargaysa, waxaana ku jira xeer ay xildhibaannada qaar rabaan in Somaliland loogu aqoonsado dal madax bannaan. Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadineyso ictiraaf, welina ma helin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed