Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan doonaan Somaliland

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan dalal kale oo dhawaan ku biiri doonaan mowqifka Israa’iil, kuwaas oo uu tilmaamay inay aqoonsan doonaan Somaliland.

Madaxweyne Cirro, oo ka hadlayay arrimaha siyaasadeed ee taagan, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan sinaba u istaagi karin, isla markaana uu socdo geeddi-socod ay dalal kale ku aqoonsanayaan xukuumaddiisa. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay billowday tallaabooyin uu ku tilmaamay “weeraro ” lagu doonayo in lagu carqaladeeyo aqoonsiga ay Somaliland sheegtay inay heshay.

Isagoo ka hadlaya doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegeen inay ka heleen Israa’iil, Madaxweyne Cirro ayaa ku baaqay in arrinta laga eego dhinaca danaha siyaasadeed, lagana fogeeyo diinta. Wuxuu xusay in Ictiraafka yahay arrin siyaasadeed oo ku saleysan danaha iyo is-fahamka dowladeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed