Madaxweyne Cirro oo magacaabay guddi baaris ku samaynaya rabshadihii Borama

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddi ka kooban 23 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan rabshadihii dhiigga badan ku daatay ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Borama. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Afhayeenku xukuumadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo warbaahinta u akhriyay war saxaafadeedka soo baxay ayaa sheegay in guddidan loo sameeyay in si dhab ah loo baaro dhacdooyinka, loo qiimeeyo baaxadda dhibaatada, isla markaana xal waara loogu helo tabashooyinka sababay rabshadaha.

Guddidu waxay si madax-bannaan ugu shaqayn doontaa waajibaadkeeda, iyadoo ku shaqaynaysa sharciga Somaliland, isla markaana marka ay baadhista soo dhammeeyaan warbixintooda u gudbin doona Madaxweynaha.

Guddidan heer qaran ayaa ka kooban xubno ka kala socda Golaha Wasiirrada, xisbiyada mucaaradka, Golaha Wakiillada, culimo iyo aqoonyahanno, waxaana musdambeed u ah Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Rabshadihii Borama ayaa sababay dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 kale, kadib isku dhac dhexmaray ciidamada ammaanka iyo mudaharaadayaal ka cadhooday munaasabadda Xeer Ciise ee lagu qabtay Saylac.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed