Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka qaybgalaya shir caalami ah oo ka socda magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Somaliland tahay tusaale dimuqraadiyadeed oo ku dayasho mudan Geeska Afrika.
Cirro ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey in uu yahay madaxweynaha kaliya ee Soomaaliyeed ee si toos ah shacabka u doorteen, isagoo xusay in Somaliland ay ku guuleysatay hannaan doorasho dadweyne oo lagu gaadhay guul siyaasadeed iyo sharciyad lagu faano.
“Waxa aan ahay madaxweynaha keli ah ee Soomaali ah ee dadkiisu si toos ah u doorteen,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay tahay sida uu hadalka u dhigay dal xor ah oo leh siyaasad furan oo ku saabsan arrimaha maalgashiga, isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid kasta oo doonaysa in ay maalgashi ku samayso Somaliland.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey madasha shirka, isagoo tilmaamay in nidaamka doorashooyinka Somaliland uu xaqiijiyey kalsoonida shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee deegaannada maamulka.
Qubaro arrimaha siyaasadda ayaa hadalka Cirro ku fasiray mid ah soo jiidasho siyaasadeed ah iyo isku day uu ku raadinayo guul diblumaasiyadeed, maadaama guud ahaan Soomaaliya madaxda heer federaal iyo dowlad-goboleed lagu soo xulo hab beeleed iyo deegaan, halka Somaliland ay doorashooyin toos ah oo ay dadweynuhu ka qayb qaataan.
HBN ONLINE TV