Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro ayaa soo dhisay golahiisa xukuumadda Cusub oo ka kooban 28 wasiir, 3 Wasiiru dowle iyo 17 Wasiir ku xigeen.
Xubanaha golaha ee uu soo dhisay Madxaweyne Cirro oo ay qeyb ka yihiin qaar mid ah dadkii soo biri daaray xilligii uu u xusul duubayey kursiga ayaa sidii saadaashu aheyd wax weyn iska bedeleen.
Xubnaha sida gaarka ah isha loogu hayey waxaa ay ka imaanayeen Wasaaradaha Amniga, Arimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga.
Hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay:-
Golaha Wasiiradda
1. Cabdalla Maxamed Carab Sandheere Wasiirka Amniga gudaha
2. Xasan Axmed Ducaale Wasiirka Dowlaha Hoose
3. Yoonis Axmed Yoonis Muxud Wasaaradda Cadaaladda
4. Cabdulaahi Aaden Xasan Cawaale Wasiirka Maaliyadda
5. Cabdiraxmaan Daahir Aaden Bakaal Wasiirka Arimaha Dibadda
6. Dr Xuseen Bashiir Xir Wahan Caafimaad
7. Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Howlaha Guud
8. Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Madaxtooyda
9. Cali Jaamac Faarax Buureed Wasiirka Kaluumeysiga
10. Maxamed Yuusuf Cali Wasiirka Gaashaandhigga
11. Eng Axmed Jaamac Barre Wasiirka Tamarta
12. Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Qorsheynta
13. Cismaan Ibraahim Nuur Wasiirka Gaadiidka
14. Prof. Cismaaciil Yuusuf Ducaale Wasiirka Waxbarashada
15. Abubakar Cabdiraxman Good Wasiirka Biyaha
16. Milgo Maxamed Cilmi Sambalooshe Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha bulshada
17. Maxamuud Cigge Yuusuf Wasiirka Beeraha
18. Fu’aad Axmed Nuux Wasiirka Duulista
19. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Wasiirka Warfaafinta
20. Cabdullaahi Cismaan Jaamac Wasiirka Deegaanka
21. Axmed Aw-Daahir Xaaji Xasan Wasiirka Golayaasha Dastuur
22. Jamaal Maxamed Axmed Wasiirka Isgaarsiinta
23. Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac Wasiirka Dib u dejinta
24. Axmed Maxamed Faarax Wasiirka Ciyaaraha
25. Cumar Shuceyb Maxamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
26. Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac Wasiirka Awqaafta
27. Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Ganacsiga
28. Saciid Maxamed Buraale Wasiirka Maalgashiga
Wasiiru dowlayaaasha
1. Maxamed Yuusuf Ibraahim Wasiiru Dowlaha Waxbarashada
2. Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiiru Dowlaha Amniga gudaha
3. Ismaaciil Mowliid Cabdullaahi Wasiiru Dowlaha Maaliyadda
Wasiir ku xigeennada
1. Mukhtaar Xaaji Maxamed Wasiir ku xigeenka Beeraha
2. Axmed Cumar Xaaji Wasiir ku xigeenka Dowlaha Hoose
3. Muuse Askar Guuleed Wasiir ku xigeenka Warfaafinta
4. Marwo Samsam Maxmed Saalax Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
5. Jamaal Jaamac Xaamud Wasiir ku xigeenka Awqaafta
6. Cali Axmed Cabdi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha
7. Yuusuf Nuux Yusuuf Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha
8. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi Wasiir ku xigeenka Arimaha Bulshada
9. Sharmaarke Cabdi Muuse Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga
10. Cabdiraxmaan Shide Bile Wasiir ku xigeenka Dib u dejinta
11. Yuusuf Kayse Cadbulaahi Wasiir ku xigeenka Duulista
12. Dr Maxamed Aw-Daahir Ibraahim Wasiir ku xigeenka Deegaanka
13. Eng Maxamed Cilmi Xuusen Wasiir ku xigeenka Maalgashiga
14. Jowhar Saciid Warsame Wasiir ku xigeenka Ganacsiga
15. Eng Maaliki Cabdi Xasan Wasiir ku xigeenka Isgaarsiinta
16. Maxamed Muuse Bucul Wasiir ku xigeenka Golayaasha Dastuur
17. Maxamed Cabdul-Maalik Wasiir ku xigeenka Gaadiidka
Ugu dambeyn Madaxaweyne Cirro ayaa faray xubnaha la magacaabay in muddo 3 cisho gudahood ah ay xilka ugu wareejiyeen masuuliyiinta.
HBN ONLINE TV