Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa maanta gaaray magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu ka socdo qshir nabadeed oo ay isugu yimaadeen madaxda iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne Cirro, oo huwan shaal cad oo astaan u ah nabadda, ayaa loo soo dhaweeyay si weyn, waxaana safarkiisa lagu sheegay mid uu ku muujinayo taageerada xukuumaddiisu u hayso dadaallada nabadaynta iyo wadajirka bulshada gobolka.
Intii uu joogo magaalada, Madaxweyne Cirro ayuu la kulmi doonaa isimmada dhaqanka, culimada iyo madaxda deegaanka, iyadoo halkaasi laga furi doono shirka nabadda gobolka oo lagu dedejiyo geeddi-socodka xasilooni waarta , lana xoojiyo midnimada iyo wada noolaanshaha shacabka Sanaag.
Shirka nabadda ee Ceerigaabo ayaa la filayaa inuu socdo maalmo dhowr ah, iyadoo lagu gorfeeynayo xalinta khilaafaadka deegaanka iyo sidii loo adkeyn lahaa nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka Sanaag.
Galinkii dambe ee shalay magaalada Ceerigaabo waxaa ka dhaqan galay hakinta dhaqdhaqaaqa isku socodka gaadiidka, halka oo magaalada ilaa saaka ku sii qulqulayeen Isimo dhaqan oo si weyn loo yaqaan kana mid noqonaya shirka Sanaag.
Inkasta oo uu gobolku ku yaallo goob istiraatiiji ah, hadane sanadihii dambe ayaa waxaa socday dagaallo sababay khasaare si baahsan u wax yeelleeyey bulshada.
Isha ku haay HBN ONLINE TV