Madaxweyne Cirro oo is bedel ballaaran oo xil ka xayuubin ku jirto ku sameeyey golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa maanta sameeyay isbeddel ballaaran oo isugu jira xil-ka-qaadis iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, tallaabo lagu cabbiray mid qeyb ka ah qorshe dib-u-habeyn lagu xoojinayo waxqabadka xukuumadda.

Wareegtada cusub waxaa lagu magacaabay masuuliyiin dhowr ah oo xilal muhiim ah qabtay, iyadoo Barkhad Jaamac Xirsi Batuun loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda.

Wasiiradda kale waxaa ku jira Aadan Geeddi Qayaad oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdimaalik Wasiirka Biyaha iyo Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale oo loo dhiibay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

Dhanka kale, Dr. Maxamed Cusmaan Fadal ayuu u  magacaabay La-taliyihiisa Sare ee ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, isaga oo Khadar Xaaji Yuusuf Cabdullaai u magacaabay Xubink ka mid ah guddida diwaangalinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta siyaasadda Somaliland.

Isbeddellada ayaa sidoo kale saameeyay tiro wasiir ku-xigeeno ah, iyadoo qaar la wareejiyay xilal cusub, halka kuwo kalena loo magacaabay jagooyin kale oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, isbeddelkan wuxuu taabanayaa qeybaha kala duwan ee xukuumadda, oo ay ku jiraan caafimaadka, deegaanka, waxbarashada, shaqada, iyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa tallaabadan ku doonaya sida la sheegay in lagu dardar-geliyo howlaha Somaliland, isla markaana la kordhiyo waxtarka iyo hufnaanta maamulka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed