Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa kadib safar maalmo uu ku joogay Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa dibnaha ka qabsatay

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo ay ku tageen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarkan oo ahaa kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cirro ku tago Itoobiya tan iyo intii uu xilka qabtay ayaa lagu sheegay inuu la yeeshay kulamo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, inkasta oo aan war rasmi ah ama muuqaal laga baahin kulamadaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan Bakaal ayaa xaqiijiyay kulankaas, balse ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka wadahadallada.

Wasiir Bakaal ayaa sheegay in safarka uu ahaa mid rasmi ah oo casuumaad ka timid Itoobiya, isagoo tilmaamay inuu muujinayo sida Somaliland uga dhex muuqato dalalka Geeska Afrika.

Dhanka kalese Itoobiya , weli war rasmi ah lagama soo saarin socdaalka Madaxweynaha Somaliland.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrinta MOU-da ee ku saabsan marin-biyood ay Itoobiya hesho, balse aan la gaarin wax heshiis ah. Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Itoobiya codsatay in laga saaro qodobkii aqoonsiga Somaliland heshiiska, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimid mowqifkii hore ee Addis Ababa.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ahaa mid degdeg ah oo aan hore loo sii qorshayn, iyadoo xoguhu sheegeen in martiqaadka uu ka yimid Itoobiya. Sidoo kale, Cirro ayaa la rumeysan yahay inuu baajiyay safar uu ku tagi lahaa Ceerigaabo, taasoo muujinaysa muhiimadda uu safarkan u arkayay xukuumaddiisa.

Aamusnaanta Itoobiya ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee safarka iyo mustaqbalka xiriirka labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed