Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib maalmo uu ku joogay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, isagoo safarkiisa lagu macneeyey hiilo siyaasadeed.
Waxaa war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo wadatashiyo ku saabsan sida loo dhigay hadalka arimaha masiiriga ah ee dalka.
Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay saraakiisha Ciidamada, xubno ka tirsan labada gole.
Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo heshiisyada siyaasadeed, taasoo gacan ka geysan doonta hagaajinta xaaladda guud ee gobolka iyo dalka intiisa kale.
HBN ONLINE TV