Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareeyeen ku takri-falka iyo boobka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay eedda dusha uga tuureen Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.
Warsaxaafadeedka ayaa marka hore tacsi loogu diray qoysaska iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday isku dhacyadii dhimashada sababay ee ka dhashay muranka dhulka danta guud. Madaxweynayaashii hore ayaa soo daliishaday qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka KMG ah iyo shuruucda dalka, kuwaas oo qeexaya sida loo maareeyo sida hadalka u dhigeen hantida iyo dhulka danta guud.
Waxay si gaar ah u xuseen qodobbada 25, 26 iyo 43 ee Dastuurka KMG ah, qodobbada 50 iyo 51 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, iyo qodobbada 6 iyo 22 ee Xeerka Dhul Qaybinta.
Waxa ay sheegeen in sharciga uu waajibinayo in marka dhul danta guud laga saarayo diiwaanka ay khasab tahay in muwaadin kasta helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo noloshiisa, in la caddeeyo in dhulka la iibinayo laga maarmay iyo sababta, in iibintiisa ka masuul noqoto Hay’adda Iibka Qaranka, in lagu daabaco Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda lana dhejiyo goobaha bulshada, in la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha helidda iyo ka faa’iidaysiga dhulka, in la ilaaliyo deegaanka iyo mabaadi’da dheefsashada dhulka, in khilaafaadka dhulka si sharci ah loo xalliyo iyo in dakhliga ka soo xarooda lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.
Sidoo kale, Warsaxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in aan si buuxda loo marin shuruucda iyo dastuurka dalka, taasoo ay ku sheegeen in si bareer ah loogu tuntay sida hadalka u dhigeen xuquuqda muwaadiniinta.
Saddexda madaxweyne hore ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo, sida ay ku sheegeen, ku takri-falka hantida danta guud iyo awood sheegashada dadka danyarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. Waxay sidoo kale dalbadeen in qoysaska barakacay loo sameeyo dib-u-dejin sharci ah, islamarkaana dhulka lagu soo celiyo gacanta dowladda, haddii laga maarmi waayana loo maro hannaan sharci ah.
Ugu dambeyn, madaxweynayaashii hore ayaa uga digay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed inay ku kadsoomaan iibka dhulka danta guud, iyagoo ugu baaqay shacabka inay si wadajir ah uga hortagaan boobka hantida qaranka, maadaama awoodda dalka ay ka dhalato shacabka sida ku cad qodobka 1-aad ee Dastuurka KMG ah.
HBN ONLINE TV