Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa muujiyay sida dalkiisu dagaalka saddex sano jirsaday uu ugu dhibaatooday, isagoo sheegay inuu rajeynayo in uu soo afjarmo dagaalka kumanyaalka kun ay ku dhinteen boqolaal kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Wareysi maanta lala yeeshay ayaa Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dawladiisu ay samaynayso wax walba oo awoodeeda ah si loo xaqiijiyo in dagaalka Ruushka uu dhamaado sanadka soo socda iyadoo loo marayo hannaan diblomaasiyadeed.
Zelenskiy ayaa qiray in xaaladda hadda ka jirta bariga Ukraine ay tahay mid adag, isla markaana Ruushku uu horumar samaynayo. Waxa uuna sheegay in maddaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, aanu danaynayn in la soo gabagabeeyo dagaalka ama la gaaro heshiis nabadeed.
Madaxweynaha Ukrain ayaa sheegay in qaanuunka Maraykanku uu ka hor istaagayo in uu la kulmo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ka hor inta aanu xilka la wareegin bisha January ee sanadka soo socda, balse wuxuu xusay in inuu la hadli doono Trump oo kaliya balse aanu arrimahan kala hadli doonin ergey ama lataliye.
“Anigoo ah madaxweynaha Ukraine, waxaan kaliya si dhab ah wadahadal ula yeelan doonaa madaxweynaha Mareykanka” ayuu yiri Zelenskiy.
“Dhankeena, waa inaan sameynaa wax walba si dagaalkan uu u dhamaado sanadka soo socda, anagoo adeegsanayna qaab diblumaasiyadeed” ayuu hadalkii sii raaciyay Madaxweyne Zelensky oo ay ka muuqatay quus ba’an oo la xiriirta dagaalka sida xooggan u sameeyay dalkiisa.
Ciidamada Ruushka ayaa horumar wayn ka sameynayaa duulaanka ay ka wadaan dhanka Bari ee dalka Ukraine, waxaana maalmihii la soo dhaafay ay qabsadeen dhul hor leh, sida ay sheegayaan goobjoogayaasha iyo wakaaladaha wararka.
HBN Online TV