Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan mas’uuliyiin badan oo Kenyan iyo Soomaali isugu jira ayaa booqday suuqyada ganacsiga ee Soomaalida oo camiran oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Booqashadan ayaa lagu sheegay in laga wada hadlay fursadaha maalgashi ee ganacsiga, amniga, iyo horumarka laga gaaray Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda u degsan dalalka ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku nool yihiin oo ay ka shaqeeyaan. Waxa uu ku booriyay bulshada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee jira iyada oo la ilaalinayo u hogaansanaanta shuruucda deegaanka.
Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa caan ku ah inay martigeliso mid ka mid ah qowmiyadaha Soomaalida ugu badan ee ka baxsan Soomaaliya, oo leh goob ganacsi oo firfircoon. Booqashada madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay bulshadani u leedahay kobcinta xiriirka dhaqaale iyo rajada maalgashi ee Kenya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa Nayroobi u joogaa Shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) 2024, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika. Booqashadiisa Islii ayaa hoosta ka xariiqday xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya qurbajoogta Soomaaliyeed ee Kenya iyo dalkooda hooyo, taasoo kor u qaadeysa kobaca iyo horumarka labada dhinac.
Madaxweynaha waxaa booqashadiisa ku weheliyay Difaaca CS Aadan Ducaale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdille, Xildhibaan Kamukunji Yuusuf Xasan iyo madax kale, iyagoo xoojinaya xiriirka xooggan iyo dadaallada iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
HBN NEWS DESK