Madaxweynaha Soomaaliya oo u tagay Laascaanood ka qeybgalka caleema-saarka maamulka madaxda WB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka Gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee gobolka, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Laascaanood uga sii horreeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda, xildhibaanno, iyo mas’uuliyiin siyaasadeed oo ka kala yimid dowlad-goboleedyada dalka.

Magaalada ayaa maalmahanba martigelinaysay wafdiyaal kala duwan oo halkaas u yimid ka qeybgalka xafladda heer qaran ah, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.

Saacado ka hor imaanshaha madaxweynaha, maamulka Gobolka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay in muddo 48 saacadood ah la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee gala ama ka baxa deegaannada maamulka, tallaabadaas oo lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga munaasabadda caleema-saarka.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed oo xil haya ku tago magaalada Laascaanood muddo ku dhow 40 sano.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed