Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaasoo uu ku joogi doono booqasho shaqo oo qaadan doonta saddex maalmood.
War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo in uu kulamo labo geesood ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Norway, si loo xoojiyo xiriirka istiraatijiyadeed ee labada dal.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inta uu ku sugan yahay dalka Norway in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu sidoo kale khudbad dheer ka jeedin doono madasha sanadlaha ah ee Oslo 2024.
Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Norway.
Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Norway, tan iyo markii la doortay May 15, 2022.
HBN NEWS DESK